Waxaa jira mararka qaarkood adiga oo iskaga jira facebook ga ayaa waxaa kaa soo horbaxaya daawasho fiican ,markaana waxaad ku hammineysaa inaa soo dajisato daawashadaa , laakin waxaa dhib kugu noqoneysaa qaabkii aad u soo dajisan laheyd .Maanta casharkan waxaan kugu tusi doonaa xalka mushkiladdaas oo wax Application ah am Program ma isticmaali doonno
Si aad u dajisato daawashada aad rabtid tallaabooyinkan soo socda samee:

Marka hore ku dhufo waranka yar ee ku yaal dhanka midig xagga   sare ee daawashada sida aad ku aragtaan sawirka kadibna waxaa kuu soo baxaya waraaq waxaad ka dooraneysaa kalmadda ugu hooseysa si aad u copy gareyso cinwaanka daawashada 
Tallaabada xigta waxaad tageysaa Program ka Google Chrome waxaad ka heleysaa moobilkaaga ma soo dajisaneysid ee waa lagu keenaa moobilada waana kan sawirkiisu
markaad gashid Application kaas waxaad sameynaysaa waxaad heynaysaa meeshaa cad ee ugu sareysa program ka sida aad ku aragtaan sawirka ka dibana waxaa kuu soo baxeysa kalmadda 
Paste iyadaad ku dhufaneysaa markaad ku dhuftid waad u yar kaadineysaa ilaa inta ay kaaga soo baxeyso daawashadii
Marka ay daawashadu kuu soo baxdo sida aad ku aragtid sawirkan hoose , daawashada ayaad shideysaa marka ay inyar socoto daawashadu , farta ayaad ku heyneysaa daawashada dhexdeeda markaas waxaa kuu soo baxaya kalmad kalmaddaas ayaad ku dhufaneysaa si aad u soo dajisato daawashada

التعليقات
0 التعليقات
all rights are save for Adam Muhtarif