Ka dib markii ay soo saartay shirkadda Nintendo ee Japanese ka ahi Application keeda cusub ee (Super Mario Run) on ISO
bishii December ee sannadkii hore kadib markii ay guul weyn ka heshay Application keedaas ,waxay go'aansatay inay moobilada Android ka ah isgana u soo sameyso  Application kaas oo kale la mid ah, maxaa yeelay markii hore Application kani wuxuu gaar ku ahaa moobilada ISO sida iphone ka balse imika labadoodaba wuu ku shaqayn doonaa.

Application kan game ka ahi wuxuu diyaar noqon doonaa maalinta khamiista ee 23 March .Game kani waxaa lagu shuban karaa oo lagu ciyaari karaa mobilada ,tablet yada iyo Tablet PC intaba.

Game kani wuxuu noqon doona mid FREE ah laakin markaad muddo ku ciyaartid wuxuu kaa dalban doonaa 9.99 Dollar si aad ciyaarta u sii dhameystirto .


Game kani wuxuu helay download aad u farabadan kaas oo uu gaadhay bishii January 2017 in ka badan 90 Million downloads waxayna ka heshay shirkadu Application keedan lacag gaadheysa 30 Million Dollar .

Hadaba hadaad ka faaideysatay mawduucan maanta SHARE gare si ay wlaaladaaduna ay uga faaideystaan  
التعليقات
0 التعليقات
all rights are save for Adam Muhtarif